Somaliland: Wasiirro Gabiley Ugu Wanqalay Maamuuska Muwaadin Waddaniyad Lagu Majeertay

Xubno kamid ah Golaha wasiirada ayaa ka qayb Munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyey Muwaadin Ibraahin Guuleed Caydiid oo kamida Muwaadiniinta ku sifoobay difaaca Qaranka iyo wadaniyada .

Xubnaha Wasiirada iyo Madaxda kasoo qayb galay ayaa waxa kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Qorshaynta, Horumarinta Kheyraadka Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Horumarinta beeraha, Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Wasiir ku-Xigeenka Caddaaladda, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga, Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Maareeyaha Hay’adda Duulista, Agaasimaha Guud ee Qorshaynta, xildhibaano, Badhasaab Xigeenka Maroodijeex, siyaasiyiin, salaadiin, Cuqaaal iyo Marti sharaf kale.