Somaliland: Wasiir ku-xigeen iska casilay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenkii Degmooyinka iyo Gobollada ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid, ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa uu wasiir ku xigeenku sheegay in maanta laga bilaabo uu baneeyay xillkii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, haseyeeshee ma xusin sababta ah ee ka dambaysa go’aanka is-casilaaddiisa marka laga reebo arrimo shakhsi ah oo uu xusay.

“Laga bilaabo maanta waxaan iska casilay xilkii wasiir ku xigeenimo ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland,” ayuu yidhi Cabdinaasir Caydiid, waxaanu intaas ku daray, “Xilka wasaaradda waxaan hayay muddo saddex sannadood iyo badh ah, cidkasta oo aanu wada shaqeynaynaa waan u mahad celinayaa, madaxweynaha Somaliland ee xilka ii igmadayna waan uga mahadcelinayaa, sababo aniga ii gaar ah ayaan iskaga casilay xilkii aan hayay,” ayuu intaasi sii raaciyay wasiir ku xigeenku.

Iscasilaadda Wasiirkan ayaa ku soo beegmaysa xilli khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya arrimaha doorashooyinku ka taagan yahay Dalka, lamana oga in sababta iscasilaadda masuulkani salka ku hayso khilaafka jira.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net