Somaliland: Wasiir Iska casilay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, ayaa goor-dhawayd shaaciyey inuu si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro war arrintan ku saabsan oo wasiirku u soo bandhigay warbaahinta, haseyeeshee xogo ay heshay saxaafaddu ayaa tibaaxay in Md Cabirisaaq Ibraahim uu is-casilaaddiisa maanta u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu Wasiirka ka aqbalay iscasilaadda uu u gudbiyey, ugana mahad-celiyey muddadii uu hayey xilka Wasiirka Gaadiidka.

Md Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo xilka wasaaradda hayay ilaa bishii September ee 2021-kii oo madaxweynuhu magacaabay, ayaa sababta is-casilaaddiisu la xidhiidhaa go’aanka madaxweynaha Somaliland dhawaan ku shaaciyey inay fuy furista ururrada siyaasadda oo diiwaangelintooda loo muddeeyey badhtamaha sannadkan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa 29-kii bishii January ee sannadkan magacaabay guddiga diiwaangelinta ururrada Siyaasadda oo ka kooban Toddoba xubnood.

Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa la filayaa inuu Khamiista Berri magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi, kaas oo ka mid noqon doona urur-siyaasadeedyada ku tartami doona doorashada saddexda Xisbi Qaran ee beddeli doona kuwa muddo-xileedkoodu dhammaaday ee Kulmiye, UCID iyo Waddani.

Md Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo hore u soo qabtay xilka Wasaaradda Isgaadhsiinta bilowgii xilligii Xukuumaddii madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool.

Mr Ataash ayaa noqonaya siyaasigii labaad ee ka soo jeeda Beelaha gobollada Sool iyo Buuhoodle ee ku dhawaaqa urur-siyaasadeed cusub, waxaana ka horeeyey oo urur-siyaasadeed ku dhawaaqay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo 29 January 2022 magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur-siyaasaadeed lagu magacaabo SPP (Somaliland People’s Party).

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.ne