Somaliland: Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Keentay Qalab lagu Xisaabinayo Cashuuraha ku waajibay Shirkadaha Is-gaadhsiinta

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, ayaa keentay qalab lagu ogaanayo cashuuraha ku waajibay shirkadaha isgaadhsiinta iyo in ay dabooleen baahida adeegga isgaadhsiineed ee ay bulshadu u baahan tahay.

 

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Muxumed ayaa sheegay inay keeneen qalab suuragalinaya in la ogaado dhaqaalaha soo gala shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland si loo ogaado cashuurta saxda ah ee ku waajibtay.

wasaaradda Isgaadhsiinta somaliland

Wasiir Dr. Cabdiweli waxaa uu xusay inay gacanta ku hayaan rakibaadda qalabkaas oo ah mid casri ah oo uu tilmaamay in uu soo xareyn doono cashuuro badan oo ku baaqan jiray shirkaddaha isgaadhsiinta Somaliland.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland waxaa uu sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay muuq baahiyaha Saab tv.

 

Wasiirka oo fahfaahin ka bixinayay qalabka ay dalka keeneen iyo faa’iidooyinkiisa, ayaa yidhi “Qalabkii wuu yaalaa oo wuu yimid maalmahan u dambeeyayna waxaanu ka shaqeynaynay rakibaadiisa, marka bulsho badani isticmaalayaan waxaa la doonayaa in la rakibo, hadda diyaarintiisii ayaanu gacanta ku heyna waana diyaar, waxaanu ogaanaynaa xidhiidhka dhexmaraya shirkaddaha isgaadhsiinta, si ay u fududaato cashuuraha laga qaadayo shirkaddaha, tusaale ahaan inta qof ee maanta wada hadashay shirkad kasta dalka gudihiisa iyo dibediisaba,mana aha ogaanshahaasi mid saamayn ku yeelanaya macaamiisha loo adeegayo, laakiin waxa uu noo sahlayaa qalabkani in cashuurta si wanaagsan loola socdo,sidoo kalena la ilaaliyo xuquuqda macaamiisha”

 

Wasiir Cabdiweli isaga oo hadalkiisa sii wadda waxaa uu intaa raaciyay in rakibaada qalabkaasi in uu sahli doono soo xareynta cashuurihii ku baaqan jiray shirkaddaha isgaadhsiinta waxaanu yidhi “Maadaama dakhli la soo xareynayo waxaa habboon in weelkiisii loo diyaariyo qalabkan maamulkiisana wasaaradda ayaa gacanta ku heysa oo shaqaale u tababaran ayaanu u diyaarinay waxaanu ku rejo weynahay in uu wax badan ka qaban doono dakhliga oo uu ka qaban doono, qaybo ka mid ah wadanka baahi isgaadhsiineed ayaa jirta markaa wasaaraddu waxaay shirkaddaha isgaadhsiinta ku soo rogi doontaa in baahiyaha la gaadhsiiyo meel walba, cashuuro badan oo baaqan jiray ayuu fududeynayaa oo uu soo xareynayaa iyo in kor loo qaado adeega isgaadhsiinta”