Somaliland: Wasaaradda Ganacsiga Oo Xabsiga Ku Gurtay Ganacsato Ajaanib Ah

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Mustafe Maxamed Cali ( Bile), ayaa sheegay inay xabsiga ku gureen ganacsato ajaanib ah oo ay ka soo qabqabteen iyaga oo ganasi hoosaad kaga shaqaysanaaya Wajaale.

Agaasimahu waxa uu sheegay inay dadkani u dhasheen dalalka Shiinaha, Jarmalka,Burtiqiis, Masar, Sudaan iyo Yaman, waxaanu sheegay in aanu sharciga dalku u fasaxayn inay ganacsi hoosaadyo ay dadka ajaanibka ah ka shaqeeyaan.

“Dhawaan wasaarada ganacsiga waxa ay cabasho uga timi ganacsatada oo ka cabanaayay ajaanib faro badan oo ka ganacsanaayay ganacsigii ay hayeen, waxa ka mid ah ganacsatada soo cabatay kuwa Wajaale iyo Hargeysa wasaaraduna kormeer ayay samaysay waxaanay tagtay Wajaale halkaas waxaanu ku soo aragnay ganacsato faro badan oo ajaanib ah oo Shiiniis iyo kuwo kaleba isugu jirta, ganacsatadaas shiiniiska ah oo ka ganacsanaayay ganacsigii uu ka ganacsan lahaa qofka muwaadinka ah ee Somaliland waxay iibinayeen tafaariiq iyo jumladba, waxaanay meherado yar yar ay ka furteen magaalada Wajaale,” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Ganacsatadaas wasaaradu waa ay soo wada xidhxidhay oo isugu jiray Shiine,Jarmal, Suudaan,Bortaqiis,Yamaniyiin, Masriyiin iyo Carab kale,markii la waydiiyay ruqsada ay ku shaqaynayaana waxay dhamaantood la soo baxeen liisamo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah.”

Waxa uu sheegay agaasimuhu in ganacsigu uu xor yahay se ay muhiim tahay in ajaanib iyo muwaadiinba sharciga la maro, isla markaasna aanay dadka ajaanibka ah ka shaqayn Karin ganacsiyada yar yare ee muwaadiniintu ay qaban karaan oo sharcigu uu ka reebayo.