SOMALILAND: Wasaaradda Caafimaadka oo Bilowday Mashruucii ugu ballaadhnaa oo lagu sahaminayo Heerka NAFAQADA Hooyada iyo Dhallaanta

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalaamiga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin, ayaa bilaabay Mashruuc loogu kuur-galayo isla markaana lagu sahaminayo Heerarka Nafaqada Hooyada iyo Dhaqaanka ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Qorshahan oo lagu tilmaamay kii ugu ballaadhnaa ee lagu sahaminayo isla markaana lagu kobcinayo xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka, ayaa laga bilaabayaa dhammaan gobollada dalka.

FAAHFAAHINTA QORSHAHA SAHAN EE WASAARADDA HORUMARINTA CAAFIMAADKA, KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE OO HORDHAC U AH BILOWGA MASHRUUCAN ISLA MARKAANA DADKA LAGU WARGELINAYO.