Somaliland: Wararkii u dambeeyey ee Xannuunka Covid-19, baadhitaanno la sameeyey iyo Tirada Dadka Soo galay 24-kii Saac ee dambeeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa ka warbixiyey Xaaladihii u dambeeyey ee xannuunka Covid-19 ka marayo gudaha dalka iyo xaaladda Caafimaad ee Lix Qof oo hore loo xaqiijiyey in laga helay Xanuunkan.

Agaasimaha Guud oo maanta bulshada la wadaagtay warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaraddu ku soo bandhigto xaaladaha soo kordhay, waxa uu faahaahin ka bixiyey tirada dadka baadhitaannada caafimaad lagu sameeyey 24 Saac ee u dambeeyey, isagoo sheegay inay dhinaca kale baadhitaanno caafimaad ku sameeyeen tiro ka badan 1000 qof oo Marinnada xuduudaha dalka ka soo galay labadii caano-maal ee u dambeeyey.

Dr Xergeeye waxa uu sheegay inaanay waxba ku soo kordhin tirada dadkii hore looga helay Cudurka Covid-19 oo ahayd lix Qof, kuwaas oo uu sheegay in qaarkood ka bogasadeen Xanuunka, waxase uu xusay inay jiraan 11 Qof oo natiijada baadhitaankooda Caafimaad laga sugayo Sheybaadh dibadda ah oo loo diray.

Hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Warbixinta Maalinlaha ee xaaladda caabuqa Coronavirus, kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net