“Somaliland Uma Baahna Qolo Iyo Qabiil” – Maayirka Hargeysa Oo Ka Dhawaajiyey Loolan Mandaqadda Geeska Afrika Ka Bilaabmay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa ahna Maayirka Caasimadda, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sawir guud ka bixiyey caqabado Qabyaaladdu hormuud u tahay oo hortaagan horumarka iyo dowladnimada Somaliland.

Maayirka Caasimaddu wuxuu dhiirrigeliyey doorka ka qayb-qaadashada hoggaanka iyo horumarka dalka ee dhalinyarada oo uu ugu baaqay inay u hub-qaataan sidii ay majaraha ugu qaban lahaayeen horumarka iyo dowladnimada Somaliland.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa arrimahan ku soo qaatay weedho dhiirrigelin iyo gubaabo isugu jira oo uu ka jeediyey shirweynaha 10aad ee Daladda ay ku midaysan yihiin ururrada aan dowliga ahayn ee dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo Arbacadii shalay ka furmay magaalada Hargeysa.

Maayirka Hargeysa waxa uu xusay loolan dhinaca horumarka oo xilligan ka socda mandaqadda Geeska Africa, waxaanu si gaar ah u xusay Dalalka Ethiopia gaar ahaan DDS iyo Dalka Soomaaliya oo uu qiray inay xilligan u jihaysteen siyaasad ku dhisan tubta horumarka.

“Somaliland uma baahna Qolo iyo Qabiil… Haddii aynaan ka qayb qaadaan Horumarka ka socda Gobolka, waynu saqiirayna.”

“Qofku maaha inuu umadda horyimaaddo iyadoo ay dad qarsooni xagga dambe ka taagan yihiin”. Waa qaar ka mid ah weedho guubaabo ah oo Maayirku ka jeediyey munaasibadda.

Md Cabdikariim Axmed Mooge wuxuu dhiirrigeliyey daladda Dhalinyarada ee SONYO oo uu ugu baaqay inay ka fogaadaan qabyaaladda oo uu uga digay inay saleeyaan Xulashada hoggaankooda.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net