Somaliland: Ujeeddada Heshiis ay kala Saxeexdeen Baanka Dhexe, Hay’adda Shaqaalaha iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa heshiis la xidhiidha wada-shaqaynta nidaamka dowladeed ahi ku dhexmaray Saddexda hay’adood ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda, Baanka Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, waxaanu ujeeddada heshiiskani salka ku haya barnaamij ku saabsan mideynta Cududda Shaqaalaha Qaranka oo qorshaheeda ay waddo hay’adda Shaqaalaha Dowladdu.

 

 

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxan Aadan Haybe, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud, ayaa saddexdooduba goob ka ahaa isla markaana qalinka ku duugay heshiiska.

 

Faahfaahinta Warkan Kaga Bogo MuuqaalkanÂ