Somaliland: Tirada Saraakiisha la dallacsiiyey iyo Wadarta Derajooyinka la Bixiyey

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Asluubta ee Somaliland, waxa maanta ku qabsoontay munaasibad Darajooyinka loogu xidhay saraakiil ka tirsan ciidankaas oo madaxweynaha Somaliland dalacsiiyey dhawaan.

Saraakiisha la Dallacsiiyey oo wadarta tiradoodu lagu sheegay in ka badan 400, waxa munaasibadda darajooyinka loogu xidhayey goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Md Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyhaha Ciidanka Asluubta Sarreeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax).

Saraakiisha iyo ku-xigeennada Ciidanka Asluubta ee la dallacsiiyey, waxa darajooyinka ku tolay Taliyaha Ciidanka Asluubta, waxaanay ka kooban yihiin 32 Sarkaal oo 11 ka mid ahi u dallaceen derjada Gaashaanle Sare halka 21 Sarkaal oo kalena u dallaceen Gaashaanle Dhexe.

Sidoo kale, waxa derjooyinka lagu taxay 384 saraakiil xigeenno ah oo la dallacsiiyey.

Wadarta Guud ee Saraakiisha iyo Saraakiil ku-xigeennada Ciidanka Asluubta Somaliland ee la dallacsiiyey, ayaa tiradoodu noqonaysaa 416 sarkaal.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidan oo kale u dallacsiiyey saraakiil ka tirsan Ciidammada Booliska iyo Qaranka, waxaana saraakiishan ka mid ah Taliyaha Guud ee Ciidammada Booliska Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo madaxweynuhu u dallacsiiyey Sarreeye Gaas oo ah derajada ugu sarreysa Derajooyinka Ciidammada kala duwan ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net