Somaliland: Tirada Kiisaska Cudurka Covid-19 ee la Xaqiijiyey oo Korodhay iyo Xaaladda Caafimaad ee Dadka laga helay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay in saddex kiis oo cusub oo Coronavirus ah laga helay gobollada Awdal iyo Maroodijeex, taas oo tirada guud ee dadka cudurkan laga helay ka dhigayssa 5 qof.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka-hortagga iyo Xakamaynta Cudurka Covid-19 oo saxaafadda la hadlay maanta, waxa uu sheegay in 14 qof baadhitaanka caafimaadkooda dalka dibaddiisa loo diray ay natiijadeedu ka soo baxday in saddex ka mid ahi qabaan xannuunkan.

Saddex qof ee laga helay xannuunka, ayaa laba ka mid ahi ku nool yihiin magaalada Hargeysa, halka qofka saddexaad ku sugan yahay magaalada Boorama.

Wasiirku waxa u sheegay in xaaladda caafimaad ee guud ahaan dadka xannuunka la helay gudaha Somaliland ay wanaagsan tahay. Waxa kale oo wasiirku sheegay inay jiraan laba qof oo kale oo xannuunka looga shakiyey, baadhitaankooda caafimaad-na ay gacanta ku hayaan isla markaana ka war-sugayaan natiijada ka soo bixi doonta shaybaadhka.

Hadalka Wasiirka oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa hore u shaacisay in xanuunka Covid-19 laga helay laba qof oo midkood yahay Ajaanib u dhashay dalka Shiinaha oo ku sugan magaalada Berbera, halka qofka kalena ku nool yahay magaalada Burco. Labadan qof ayuu wasiirku sheegay inay wanaagsan tahay xaaladdooda caafimaad.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net