Somaliland: Tirada Kiisaska Caabuqa Coronavirus oo korodhay iyo Cillad-farsamo oo ku timi Shaybaadhka Covid-19

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay sababta keentay in aanu weli shaqayn Mishiinka Shaybaadhka xannuunka COVID-19 oo hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO dalka keentay toddobaadkii hore isla markaana ilaa immika aan wax baadhitaan ah lagu samaynin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa ka waramay xaaladda Mishiinka Shaybaadhka loogu talo-galay in lagu baadho dadka loo shakiyo caabuqa Coronavirus, balse ilaa immika aan shaqaynin sababo farsamo awgeed.

Advertisement

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu sheegay in mishiinka ciladi ku timi, kadib markii la fahmi waayay, isla markaana ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ka dalbadeen in loo keeno khubaro tabobarro siiya hawl-wadeennada caafimaad ee ku shaqayn lahaa Shaybaadhka, xilliganna ay socdaan tabobarradii ay bixinayaan khubaro ka socoto WHO oo dalka ku sugan.

Dhinaca kale, waxa uu Agaasimaha Guud shaacisay kiis cusub oo xannuunka Covid-19 ah oo dalka laga helay, taas oo tirada guud ee Dadka la xaqiijiyey inay qabaan caabuqa Coronavirus ka dhigaysa 6 qof. Waxa uu Agaasimuhu sheegay in hal qof oo ka mid ahaa Shanta qof ee hore looga helay xannuunka uu ka soo kabtay xaaladdiisa caafimaadna wanaagsan tahay.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland

https://www.youtube.com/watch?v=0-5mpmvGjX8

Caabuqa Coronavirus oo ah safmar si weyn ugu fiday dunida, ayaa sababay dhimasho badan isagoo weerrara habdhiska neef-mareenka, waxaana la rumeysan yahay inuu ka soo ifbaxay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore.

Tirada Guud ee dadka la xaqiijiyey inuu cudurkani ku dhacay dunida, ayaa kor u dhaaftay 2.3 Milyan Qof, halka 165Kun oo qof u dhinteen. Dalka Maraykanka, ayaa hoggaaminaya kiisaska iyo dhimashada Coronavirus, iyadoo xilligan tirada dadka laga helay kor u dhaaftay 752 Kun qof, halka dad ka badan 40 Kun u dhimatay.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

 

Advertisement