Somaliland: Tirada Dadka laga helay & Kuwa u dhintay Covid-19 iyo Wakhtiga la bilaabayo Tallaalka ka-hortagga Xannuunkan

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah dalka laga bilaabi doono tallaalka ka-hortagga Xannuunka Covid-19 oo shalay la keenay dalka isla markaana isagu noqon doono qofka ugu horreeya ee tallaalka qaadanaya.

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey xaflad shirkadda Somtel ku daah-furtay saamiyo cusub oo ay bixinayso, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda xannuunka Covid-19 ka marayo, tirada dadka xannuunka laga helay iyo kuwa u geeriyooday.

Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inuu isagu u hor-qaadanayo tallaalka Covid-19 si uu hormuud ugu noqdo shacabka isla markaana maalinta Sabtida la bilaabi doono.

“tallaalku waa mid caalamka oo dhan yimi, qofna la odhan maayo qasab isku tallaal laakin waxa la og yahay in loo baahan yahay, haddii Allah yidhaaho Sabtida waa la bilaabayaa, waxaanan ka noqonayaa kow oo aniga ayaa bilaabaya waayo kama maarmayno,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo ka hadlay tirada dadka laga helay xannuunka iyo Dadka u geeriyooday guud ahaan Somaliland, waxa uu yidhi, “Xanuunka waxa laga helay 2,018 qof , waxaana ka bogsaday boqolkiiba 86 dadka laga helay, 85 qof ayaa u dhintay”.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net