Somaliland: Talaalka Cudurka Covid-19 oo Dalka Soo gaadhay iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo Baaq u diray Shacabka

Hargeysa (SLpost)- Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa maanta ka soo degtay diyaarad xamuul ah oo Sidda Shixnad ka kooban Daawada ka-hortagga Xannuunka Covid-19 oo Somaliland loogu talo-galay.

Diyaaradda oo ay leedahay Qaramada Midoobay, ayaa daawada ka soo qaadday magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo toddobaadkan la soo gaadhsiiyey, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Shixnadda Daawada tallaalka Covid-19 oo noqonaysa wejiga koowaad ee ololaha tallaalka xannuunka Covid19 ee shacabka Somaliland, waxa guddoomay Wasiirka Wasaaradda Caafimaad oo ay weheliyaan Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

Masuliyiintan ayaa si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, waxaanay ka warrameen muhiimadda tallaalkani leeyahay iyo xilliga la bilaabayo wejiga koowaad ee ololaha tallaalka oo la siinayo Dad kooban oo Halw-wadeennada Caafimaadka iyo Dadka waaweyn ee xannuunada kale qaba.

Faahfaahinta warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah kaga bogo Video-ga hoose

 

Tallaalka Covid19 ee dalka la keenay oo lagu magacaabo AstraZeneca, waxa ay qayb ka tahay hawlgalka gargaar caafimaad oo la magac-baxay COVAX oo ah dallad ay hoggaaminayso hay’adda WHO, kaas oo loogu talo-galay in tallaalka Covid-19 lagu gaadhsiiyo dalalka dunida saddexaad ee aan awoodin inay iibsadaan tallaalka xannuunkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net