Somaliland: Siyaasiyiinta iyo Dadka Ladan ee Kufsiyada Geysta oo Xabsiyada laga sii daayo

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud ayaa sheegay in Xabsiyada laga siidaayo Dadka ladan, sida Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ku kaca Falalka uu kufsigu ka mid yahay.

Guddoomiye Maxamed Baaruud waxa uu sheegay inay Xabsiyada Somaliland ay ka buuxaan Dad Masaakiin ah oo aan qabsan karin looyarro u dooda, halka laga siidaayo Dadka Hantida haysta iyo Siyaasiyiinta jeebkoodu buuran yahay, arrintaasina tahay Caddaalad-darro si weyn u muuqata.

“Waxa la noo soo sheegay Dadka wax kufsada ee Ladan, sida Dad Ganacsatada ah iyo Dad siyaasiyiin ah oo Madax ah in iyadoo Maxkamado Xukumeen oo Kufsi lagu caddeeyay la siidaayo.” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Baaruud oo hadal ka jeediyey Munaasibad Hargeysa lagu qabtay shalay oo lagaga hadlayey Tacadiyada loo geysto Dumarka.

“Maxkamadaheenu waxay xukumaan uun Dadka jilicsan, bal u fiirso Dadka jeelasha inoogu jira, waxa ka buuxa Dad masaakiin ah oo aan looyar loo qabanin, iyaguna qabsan karayn Looyar (u dooda), laakiin Ninkii Ladnaa Looyar buu qabsanayaa, Xildhibaan u ordaya, Wasiir baa u ordaya, Cid walba waxay daba cararraysaa Qofkaa ladan, waalla siidaynayaa oo waxba lagu qaadi maayo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iinsaanka ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net