SOMALILAND: Siyaasiyiin Madax-bannaan oo Dhaliilay Xisbiga Waddani iyo Qodobbo ay u daliishadeen

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah siyaasiyiinta madaxa-bannaan ee Somaliland oo ku midoobay Magaca SOMALILANDFIRST, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, waxaanay dhaliilo u jeediyeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ay ku dhaliileen nidaamka talo-wadaagga ee heer qaran iyo siyaasadda mucaaradnimo ee xisbiga.

Siyaasiyiintan oo maanta la hadlay saxaafadda, waxa ay ku dhaliileen xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sababta uu u diiddan yahay xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo xisbigu sheegay inuu kalsoonida kala noqday.  

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN