Somaliland: Siyaasadda Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo laga Shiray

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida heer Qaran ee xakameynta xannuunka HIV/AIDS ee SOLNEC, ayaa magaalada Hargeysa ka daah-furay shir lagu gorfeeyey sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa siyaasada Qaranka ee ku aaddan xannuunkan.

Kulanka waxa ka qayb-galay xubno ka tirsan guddida xakameynta xannuunka HIV/AIDS, masuuliyiin ka socday wasaaraddaha dalka qaarkood, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee hawshan kala shaqeeya, culimaa u-diin iyo marti-sharaf kale.

Kulankani ayaa muddadii uu socday la isla qaatay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa siyaasadda dowladda ee ku wejahan xannuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS oo warbixintii u dambaysay ee guddigu soo saartay muujisay inuu sare u kacay heerka uu dalka ka marayo.

Cabdilqaadir Sheekh Xuseen Rabiile kana mida masuuliyiinta guddida xakameynta HIV/AIDS ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada kulankani, waxaanu yidhi, “Sideedaba doorka SOLNEC, waa saddex ujeedo oo waa weyn oo kala ah In dadkii loo hadlo, nidaamkii jiray loo hadlo, islamarkaana loo helo dhaqaale gudo iyo dibadba, albaab kasta loo garaaco.

Hawl aanay guddidu ogeyn lama qaban karo, waxaanay isku duweysa dhammaanba hawlaha socda ee HIV-ga.

In wixii socda si wanaagsan loo maamulo, islamarkaana marka ay wakhti gaadhaba ama sannad ha noqoto, ama lix bilood ha noqoto in la dejiyo qiimeyntii lagu sameyn lahaa.” sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir.

Sidoo kale madaxa cilmi baadhista wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Cumar Xagaa, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay  dawladd ahaan sidii loo xakameyn lahaa xannuunka HIV/AIDS-ka.

“Markii la bilaabay wax ka qabashada xannuunka HIV/AIDS-ka, dawladdu waxaa ay go’aansatay ‘Siyaasad cad oo ka go’an wax ka qabashada xannuunka, taasina waxaa ay keentay in laga duulo in ciddkasta waxaa ay qabaneyso ay caddaato, taasi oo keenaysa in hay’addaha innaga caawiya xannuunkani,” sidaas ayuu yidhi Xasan Cumar, isagoo intaas ku daray, “Waxyaabaha ugu mihiimsan ee aan imika dareemayo waxaa ka mida haddii ay dawladdii qaadatay door adag oo ah in siyaasad adag laga duulo marka laga hortagayo ama la xakameynayo xannuunkani waxaad mooda in ay dhinac ka dabacsan yihiin hay’adihii caalamiga ahaa ee kaalmada ka geysanayay, taas oo aan qabo in ay dawladdu ku adkeyso, iyaguna ay xoojiyaan wax ka qabashadii,” ayuu yidhi Agaaismuhu.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net