Somaliland: Shirweynaha Caymiska Qaranka oo Hargeysa ka furmay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay shirweynaha Caymiska Qaranka, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ka qabsooma dalka.

Shirweynaha oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Caymiska Qaranka oo bishii January ee sannadkan uu aasaasay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, Xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Shirkadaha bixiya adeegga Caymiska iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo sharaxaad ka bixiyay Ujeeddada loo qabtay shirka iyo hawlaha la xidhiidha dar-dar gelinta shaqada hay’adda, waxaanu gudoomiyuhu xusay in ujeedaddada madaxweynaha Somaliland u aasaasay hay’addu tahay baahida caymiska qaranka ee dalka ka jirta, waxaanu gudoomiyuhu golaha cusub ee wakiillada u soo jeediyay inay ansixiyaan xeerkii ay hay’addaasi ku hawl gali lahayd.

Wasiirka wasaaraadda Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo masuuliyiin kale oo shirka ka hadlay, ayaa soo dhaweeeyay shirweynaha iyo hawsha ku saabsan horumarinta caymiska qaranka oo ay sheegeen inuu yahay mid qaranku u baahan yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gunaanadkii munaasibadda ka hadlay, ayaa masuuliyiinta hay’adda caymiska qaranka ku bogaadiyay shirweynaha ay soo abaabuleen, waxaanu xusay in masuuliyiinta sar-sare ee qaranku ay diyaar u yihiin in gacan ka gaystaan sidii hay’adda caymiska qaranku u noqon lahayd mid wax ka tarta arrimaha loo asaasay.

Hay’adda Caymiska Qaranka oo madaxweyne Muuse Biixi ku aasaasay xeer madaxweyne 10-kii bishii January 2021-kii, waxa uu maamulkeedu ka kooban saddex xubnood oo kala ah Guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo Agaasime Guud.

Saddexda masuul ee madaxweynuhu u magacaabay hay’adda Caymiska Qaranka, ayaa ka ah Guddoomiye Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), waxa guddoomiye ku-xigeen ka ah Sahra Aadan Yuusuf Xirsi, halka Agaasimaha Guud ee hay’addaasi yahay Cabdiraxmaan Muuse Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net