Somaliland: Shirkii Ugu Miisaanka Cuslaa Oo Lagaga Arrinsaday Xaaladda Ammaanka Dalka

Shirkii Ugu Miisaanka Cuslaa muddooyinkan dambe ee ay isugu yimaaddaan masuuliyiinta laamaha dowladda ee qaabilsan nabadelyada, ayaa maanta lagaga arrinsaday Xaaladda Ammaanka ee Xilli loo diyaar-garoobayo qabsoomidda Diiwaangelinta Codbixieyaasha oo 28-ka December ka qabsoomaysa guud ahaan 23-ka degmo Doorasho ee Dalka.

Shirkan oo ku qabsoomay xarunta Guddiga Doorashooyinka, waxa isugu yimi Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan-dhigga, Taliyeyaasha Ciidamada Kala Duwan ee Dalka, sida Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Asluubta, Sirdoonka Qaranka iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka.