Somaliland: Shirkada Dhisaysa Dekeda Berbera oo Shaacisay Tirada Shaqaalaha Mashruuca Balaadhinta Ka Hawlgelaya.

“Waxaan dooneynaa in aan shaqaaleyno [dadweynaha] kuna darnaa shaqaalaheena xirfadda leh.” Mr. Maxamed Naasir-Maareeyaha Shafa Al Nahda

Dubai-(SLPost) Shirkada Shafa Al Nahda oo ku guulaysatay mashruuca ballaadhinta dekeda Berbera ayaa shaaca ka qaaday inay shaqaalaha xirfadlayaasha ee dalka gudahiisa jooga door muhiim ah ka qaadan doonaan dhismaha dekeda.

Sida lagu baahiyey wakaalada ConstructionWeekOnline shalay, Mr Maxamed Naasir, maareeyaha guud ee shirkada Shafa, ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha mashruucu ka iman doonaan dibeda Somaliland, balse shaqaalaha guduhu kaalin yeelan doonaan, isagoo yidhi,

“Qaar ka mid ah shaqaalaha mashruucu waxay ka iman doonaan dibedda Somaliland, laakiin xirfadlayaasha Somaliland door muhiima ayey ku yeelan doonaan qorshaha ballaadhinta dekedda Berbera.” Isagoo raaciyey.

“Waxaa jira jaangooyooyin muhiim ah oo aan siinay shaqaalaheena xirfadlayaasha ah ee ka imaanaya dibadda. Laakiin waxaan qorsheyneynaa inaan dhex-galinno shaqaale degaanka. ”

 

Maareeyaha Guud ee Shafa oo faahfaahin ka bixinayey sababaha shaqaalaha xirfadlaha qaarkood dibedda uga keenayaan, ayaa sheegay in kuwa maxaligu xadidan yahay,

“Waxaan dooneynaa in aan shaqaaleyno [dadweynaha] kuna darnaa shaqaalaheena xirfadda leh.”

Xirfadlayaasha maxaliga ayuu Mr Nasser sheegay inay u sii  shaqeyn doonaa Shafa Al Nahda xitaa ka dib markii mashruuca dhismaha dekeda la dhammaystiro, taas oo markaa u oggolaanaysa inay noqdaan shaqaale u tababaran sida koronto yaqaan ama wastaad.

Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey munaasibadii saxeexa balaadhinta dekeda Berbera dhowaan ayaa sheegay in colaadaha Geeska Afrika ay u horseeday shaqo la’aanta dhalinyarada gobolka, laakiin mashruuca DP World u keeni doono faa’idooyin mudo dheer ah gobolka.

“[Mashruuca] wuxuu faa’iido u noqon doonaa dhamaan gobolka Geeska Afrika, isagoo keeni doona xasiloonida iyo wanaagga dadka,” ayuu sheegay Madaxweyne Md Muuse Biixi, isagoo sii raaciyay. “Dadku waxay ku rajo-weyn yihiin in mashruucani uu sare u qaadi doono noloshooda, sidaa daraaddeedna aad ugu soo dhoweynayaa.”

Qorshaha ballaadhinta dekeda Berbera ayaa la filayaa in  shirkada Shafa Al Nahda deked cusub oo balaceedu gaadhayo  400m iyo balaadhinta barxada qiyaasteedu tahay 25 hecter wejiga hore,  ayaa sida qorshaha shirkada oo la raaciyey naqshada dekeda lagu sheegay inay ka hawlgeli doonaan shaqaale gaadhaya 700 qof, inkastoo aan la kala caddayn inay wejiga koowaad wada yihiin iyo labada weji, taasoo qeyb ka sii tahay dhismaha Aaga Cashuuraha ka caaggan (Free Zone).

Shafa Al Nahda, oo ah shirkada ugu muhiimsan ee ballaadhinaysa dekeda Berbera ayaa  heshiiska qandaraaska la sheegay inay ku heshay sababo waaya-aragnimadeeda shaqo, ee hore uga soo qabatay dekedaha Dakar (Senegal) iyo PMaputo ee (Mozambique), sidoo kalena qeybo ku biirisay dekeda Port Rashid.

Xigasho: Dawan