Somaliland: Shacabka oo loogu Baaqay inay Diiwaangeliyaan Hubka Fudud ee ay Guryaha ku haystaan

 

Hargeysa (SLpost)- Bulshada Somaliland ayaa loogu baaqay inay sharci u samaystaan Hubka fudud ee ay guryahooda ku haystaan, si looga hortago hubka sharci-darrada ah ee ammaan-darrada sababi kara.

Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu shacabka u soo jeediyey inay diiwaangelinta hubka fudud ee haystaan ka diiwaangeliyaan Xafiiska hubka fudud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkaas oo shacabku ka heli karaan talooyin iyo tilmaamo la xidhiidha hanaanka ugu fudud ee ay hubkooda u xafidi karaan.

Advertisement

Ku-xigeenka Hoggaanka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu shacabka u diray farriimo ku saabsan sidii qofka iyo qoyskuba uga badbaadi lahaayeen khatarta hubka fudud guryaha yaalla.

“Muwaadin, ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo nidaamka caddaaladda ee ka jira Somaliland ayaa ku filan in uu badbaadiyo hantidaada iyo naftaada. Haddaba ciddii haysata hubka fudud waxaa muhiim ah in aad ogaato in hubka fudud ee guryaha yaallaa uu sababi karo dhimasho iyo dhaawacba, waliba waxaa ay ku iman karta dadka aad sida gaarka ah u jeceshahay, sida waalidka oo ah Aabaha, hooyadda, carruurtada, iyo xaaskaaga.

Waalid ahaan masuuliyadda ku saaran ayaa ah in aad ka hortagto khatar kasta oo ka dhalan karta hubka fudud ee gurigaaga yaala waa in aad ka ilaalisa khatarta hubka fudud, cidkasta, carruurta, iyo wixii kugula nool gurigaaga in ay kaga timaado dhibaato, aanad adigu ugu talo galin,” sidaas ayuu yidhi Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, hoggaan ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland,

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu, ka sokow in la diiwaangeliyo hubka, faahfaahin ka bixiyey adeegyo dheeraad ah oo shacabku ka heli karo Xafiiska Diiwaangelinta hubka fudud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Muwaadin hubkaagu ha noqdo mid ammaan ah oo waliba ku sharciyaysan Qurigaaga. Baastooladaada ka diwaangeli xafiiska hubka fudud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, goobtaasi oo aad ka heli karto qaabka aad u ilaalineyso hubkaaga iyaga oo ku tilmaami kara meelaha ugu wanaagsan ee waliba hubkaaga aad ku xafidi karto”, Sidaas ayuu yidhi Gaashaanle Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On