Somaliland: Roobab ka curtay Deegaamo ka tirsan Gobollada Maroodijeex iyo Saaxil

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Roob da’a xilliga Jiilaalka ee loo yaqaano XAYS-ka ayaa ka curtay deegaamo ka tirsan Gobollada Maroodijeex iyo Saaxil.

Guddoomiyaha degmada Laasgeel ee gobolka Maroodijeex Mustafe Ibraahin ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay roobab ka curteen deegaamo ka tirsan degmada iyo gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha degmada Laasgeel waxa uu sheegay in roobka Xaysku ka curtay degmooyinka Laasgeel iyo Cadaadlay oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, waxaana uu tilmaamay in bulshada ku dhaqan jiidahaasi ay ku diirsadeen roobabkaasi, isagoo guddoomiyuhu ugu baaqay dadweynaha inay ka faa’ideystaan roobabka curtay.

Advertisement

Sidoo kale, Roobka ayaa la sheegay inuu ka curtay deegaamo ka tirsan gobolka Saaxil, gaar ahaan degmada Mandheera.

Roobka Xayska ayaa badhtamaha xilliga Jiilaalka ka da’da dhulka Gubanka iyoi Xeebaha.

Roobabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ka taagan yihiin abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saamaysay bulshada reer-guuraaga ah, gaar ahaan gobollada Togdheer iyo Sool oo toddobaadkan laga oogay Salaado roob-doon ah.

Advertisement