Somaliland: Qofkii u horreeyey oo Cudurka Covid-19 u geeriyooday iyo Wasaaradda Caafimaadka oo faahfaahisay Kiisas Cusub oo la helay

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxa maalintii shalay lagu aasay qofkii ugu horeeyey ee Xannuunka Covid-19 ugu geeriyooday Somaliland.

Marxuumka geeriyooday ayaa ka mid ahaa dad looga shakiyey xannuunka Covid-19 oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland baadhitaan dheecaankooda u dirtay dalka dibaddiisa.

Advertisement

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi oo maanta la hadlay saxaafadda, ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiskan iyo natiijada baadhitaanno caafimaad oo dalka dibaddiisa baadhitaan loogu diray, kuwaas oo shalay soo gaadhay dalka.

warkan oo faahfaahsan ka daawo muuqaalka Hoose

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxa uu sheegay in la helay Saddex kiis oo cusub oo Caabuqa Coronavirus ah, kuwaas oo ka soo baxay natiijada baadhitaan caafimaad oo dalka dibaddiisa loogu diray dheecaanada 36 Qof oo looga shakiyey Cudurka Covid-19.

Kiisaska Cusub ee la helay, ayaa tirada guud ee Dadka la xaqiijiyey inay Qabaan Cudurka Covid-19 gudaha Somaliland ka dhigaysa 9 Qof oo ku kala nool gobollada dalka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Advertisement