Somaliland oo si Adag u beenisay Joogitaanka Al-Shabaab ee Bariga Gobolka Sanaag

 

Hargeysa (SLpost)- Saacadihii lasoo dhaafay waxa soo baxayay in koox ka mida dagaalyahanka Alshabaab ay soo galeen degaanka Bariga Sanaag ee lagu magcaabo Gacan Maroodi ee Buuralayda Silsilada Golis oo dhinaca Woqooyi ka kulaalaya Yube oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Wararka la xidhiidha Alshabaab in lagu arkay Degaanka oo qaar ka mida warbaahint maxaliga ee Puntland ay sheegeen ma jrin cid xaqiijisay sugnaanshahooda, balse masuul ka tirsan Ciidamada Puntland oo u waramay warbaahinta maamul Gobaleedka Puntland, ayaa sheegay in koox ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab oo tiradooda uu ku sheegay 70 ay galeen Degaankaa oo ah gudaha xadka Somaliland .

Jiritaanka wararka waxa si adag u beeniyay Guddoomiyaha Degmada Yube Boqor Ibraahin Maxamed Xasan, wuxuuna isagoo ku sugan xalay deegaanka Yube u sheegay Weriye Cabdishakuur Haybe oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay in aan waxba ka jirin warkaa.

Guddoomiyaha Yube, wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Alshabaab soo galeebn deegaankaa kuwo laga leeyahay ujeeddooyin siyaasadeeed oo ka dhan ah degaanka, Isla markaana, wuxuu ku eedeeyay masuuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland inay wararka noocaa ah oo dacaayad ah ka ka leeyihii danno siyasadeed iyo in lagu carqaladeeyo Nabadgalayada Somaliland.

Waraysiga Guddoomiyaha Degmada Yubbe lala yeeshay ka daawo Muuqaalka Hoose