Somaliland Oo Sharciga La Tiigsanaysa Dabley Hubaysan oo Gaadmo Ku Dishay Askar Ka Tirsan Ciidanka RRU-da

Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyey 12 Askari Oo Ku geeriyooday Weerar Gaadmo ah

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan masuuliyiinta Qaranka, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo Xabaalaha Baqiic ee Hargeysa loogu sameeyey 12 Askari Oo ku geeriyooday Weerar gaadmo ah oo Dabley hubaysani ku qaadday Ciidanka.

Dabley hubaysan oo si dhuumaalaysi ah uga hawl-gala Buuraha Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil, ayaa toddobaadkan weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidamada RRU-da oo halkaas loo geeyey ilaalinta amaanka deegaanka kaddib markii ay dableydaasi dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah ammaanka ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Saaxil.

Ciidamada RRU-da oo ah waax ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xilliga weerarka lagu qaaday kormeer ay xaaladda ugu kuur-galayaan ku marayey deegaanno hoos yimaadda degmada Go’da Weyn oo ka tirsan gobolka Saaxil, waxaana ciidanka weerarka lagu ekaysiiyey xilli ay saarnaayeen gaadiidkooda oo kormeer amni ku jiray, waxaana weerarkaas ku geeriyooday 12 Askari halka 17 kalena ku dhaawacmeen.

Advertisement

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Aaska Qaran ee loo sameeyey 12 marxuum, waxa uu ballan-qaaday inay dowlad ahaan sharciga horkeeni doonaan Ciddii ka masuulka ahayd dilka askarta.

Follow us On