Somaliland oo Shaacisay Mowqifkeeda ku Wejahan Hirdanka Siyaasadda Mandaqadda Geeska Afrika

Somaliland Map

Hargeysa (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta war-bixin lagaga dhegaystay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Masar oo uu marti-qaad ka helay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, warbixinta wasiirka kaddib, waxa uu goluhu isla qaatay isla markaana go’aamiyey in Somaliland danaheeda ka raacdo hirdanka siyaasadda mandaqadda Geeska Afrika iyo ta caalamka isla markaana ay mowqif dhex-dhexaad ah iska taagto.

“Waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, ahna wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda, oo golaha siiyey war-bixin ku saabsan hirdanka siyaadda geeska iyo tan caalamkaba. War-bixintaas ka dib, goluhu waxa uu go’aamiyey in Somaliland siyaasad ahaan ay waddo nabad-gelyo iyo daneheeda ka raacdo siyaasadaas, isla markaana ku dedaasho in ay meel dhex-dhexaad ah ka istaagto arrimaha geeska iyo kan caalamkaba,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar dhowr maalmood qaatay ku tagay dalka Masar, waxa uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dalkaas, waxaanu uu dalkaas ku sugnaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda ee dalkaas iyo mashaariic ay Milatari Masar ka wadaan marin-biyoodka Zuweyz.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net