Somaliland oo Shaacisay 19 Kiis oo Cusub oo CoronaVirus ah iyo Tirada Dhimashada oo korodhay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo caabuqa Coronavirus ah oo la xaqiijiyey iyo laba qof oo u geeriyooday xannuunka Covid-19, kaddib baadhitaanno la sameeyey 24-kii saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee Xannuunka la wadaagay bulshada, ayaa sheegay inay diiwaan-geliyeen 19 kiis oo cusub oo laga helay muwaadiniin reer Somaliland.

Tirada Guud ee kiisaska Coronavirus ee Somaliland, ayaa haatan maraysa 87 qof oo ku kala nool gobollada dalka, halka tirada dhimashadu gaadhay 8 qof.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose