Somaliland Oo Riyo-maalmeed Ku Sheegtay Magacaabis Uu Sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay Ergay gaar ah oo Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Shalay u magacaabay Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaasi oo ah Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda JSL ayaa lagu sheegay in Magacaabistaas looga dan leeyahay in Beesha Caalamka lagaga marin-habaabiyo Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

War-saxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden).

Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ku cad khariidadda Qaaradda Afrika ee lagu saleeyey xuduudihii gumeysiga, Soomaaliya meel kuma leh Gacanka Cadmeed.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargalineysaa beesha caalamka, Midawga Africa, iyo Urur Goboleedka IGAD, in magacaabista ergayga Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed yahay faragalin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, dawladda iyo shacabka Somaliland waxay si wadajir ah diyaar ugu yihiin difaaca madaxbannaanida, qarannimada iyo dhammaan xuduudaha waddanka wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal hormuud u ah nabadda, iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika, isla markaana leh golayaal si toos ah shacabku u soo doorto, si xor iyo xalaal ah, oo hal qof iyo hal cod ah. Haddaba, waxa ay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihii. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay ay tahay indho sarcaad siyaasadeed.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay marwalba u taagan tahay ilaalinta xasilloonida, nabad ku wada noolaashaha, iyo horumarka gobolka. Dawladda Somaliland waxa kale oo ay si dhaw u la socotaa xaaladda iyo isbeddelada gobolka ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.”