Somaliland Oo Qayla-dhaan Dhiillo-xambaarsan u Dirtay Beesha Caalamka iyo Dalalka Deriska

Xukuumada Somaliland ayaa Qaramada Midoobay Ku Canaanatay Go’aankii Cuna-qabataynta Hubka Lagaga Qaaday Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa go’aan lagu deg-degay ku tilmaantay tallaabadii Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay uu cuna-qabatayntii hubka kaga qaaday Soomaaliya dabayaaqada Sannadkii hore.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland, ayaa lagu Sheegay in Dowladda taagta daran ee Soomaaliya ay hub tiro badan u gacan-gelisay kooxaha Xag-jirka ah iyo Qabaa’illada, taasoo oo sii kordhisay dagaallada u dhexeeya malleeshiyo-beeleedka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay Dowladda Soomaaliya ku eedaysay inay beelaha qaarkood u gacan-galisay saanad-milatari iyagoo beesha caalamku ku marin-habaabinaysa Dagaalka u dhexeeya Kooxda Al-Shabaab

“Tallaabadii Golaha Ammaanka ee Qarammada midoobay ay cuna-qabatayntii hubka kaga qaadeen Soomaaliya, wuxuu ahaa go’aan aan xlligiisii la gaadhin oo lagu degdegay, marka aad eegto labadan qoddob ee hoos ku qoran:-

1)-Wuxuu kordhiyay dagaalada reeraha iyagoo si fudud u helaya hub iyo saanad millatari.
2)-Hubku wuxuu si sahlan ugu gacan galayaa kooxaha argagixisada, maadaama oo aanu jirin nidaam iyo xukun dawladeed.

Waxa  dhacda in si badheedh ah loo siiyo hubka kooxaha xagjirka ah, iyadoo ay jirtaan Hay’ado dawladeed oo si dhow ula  shaqeeya kooxahaas sida lagu caddeeyay warbixino badan oo caalami ah”. Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo aanu ka soo xigannay Wakaaladda Wararka ee SOLNA.

War-murtiyeedka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxa kale Oo lagu yidhi, “Sidaas darteed, hubka u gacan galay maleeshiyaadka iyo reeruhu wuxuu noqday mid ku faafay gobollada dhexe iyo koonfurta fog ee Soomaaliya. Waxa jira in hubkaas illaa 11 deegaan oo dagaalo beelleed ka dhaceen si xun la iskugu adeegsaday.

Dawladda Soomaaliya waxa ay door weyn ka qaadatay hubaynta maleeshiyaadka iyo beelaha iyadoo  marmarsiiyo ka dhigatay; in beeluhu la dagaalamayaan Alshabaab.”

Xukuumadda Somaliland waxa ay baaq digniin iyo qayla-dhaan xambaarsan u dirtay Beesha Caalamka iyo waddamada Gobolka. “Ugu dambayn, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku boorinaysaa beesha caalamka iyo dawladaha jaarka inay si weyn uga feejignaadaan arrintaa hubka oo halis ku ah xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika, taasi oo dhaawacaysa nabadgelyada,” Sidaas ayaa lagu Sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net