Somaliland oo markii ugu horaysay 300 qof oo dhalinyaro ah hal mar loo qaadanayo Shaqaale iyo Imtixaanka u bilaabmay

Hargeys (SLpost)- In ku dhow Kun dhalinyaro ah ayaa u fadhiistay Imtixaan loo gelayo Shaqaale ay qaadanayso Shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha oo Wershad ka samaynaysa Somaliland.

 

Dadka Imtixaanka gelaya ayaa dhamaantood lagu sheegay inay ka kooban yihiin dhalinyaradii dhawaan ka soo baxay tababarka Shaqo-qaran, waxaanay isugu jiraan Wiillal iyo Gabdho.

 

Agaasimaha Xafiiska Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan ayaa ka hor intaanay Ardaydu Imtixaanka u fadhiisan kula dardaarmay inay u hogaansamaan nidaamka looga qaadayo Imtixaanka

 

Saraakiil ka socda Shirkadda Shaqaalaha qaadanaysa ayaa goob-joog ka ahaa hannaanka Imtixaanka loo qaadayo, kuwaasoo indho-indhaynayey nidaamka loo agaasimay iyo habka loo qaadayo tartanka.