Somaliland Saaka oo looga dareeray Salaad Roob-doon ah iyo Madaxweynaha oo Shacabka Hargeysa la tukaday

Hargeysa (SLpost)- Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa guud ahaan saaka laga oogay salaad roob-doon ah oo Eebbe lagaga baryey Raxmaadkiisa Roobka.

Shacabadka magaalada Hargeysa, waxa salaadda Roob-doonta ah oo lagu oogay Masjid-jaamaca Caasimadda kala qayb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ayaa boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah oo heer qaran ah, taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana maanta laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka.

Advertisement

Salaaddan Roob-doonta ah oo Eebbe lagaga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa markii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bulshada ugu baaqay inay isa saamaxaan, ducadana badsadaan.

Sheekh Albaani waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee ina haysata iyo roob yaraanta.

Follow us On