Somaliland oo lagu soo bandhigayo Riwaayado uu Sameeyey mid ka mid ah Hal-abuurradii Ugu Caansanaa Qarnigii 16aad

HARGEYSA (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa noqotay dalkii 70-aad ee lagu soo bandhigayo riwaayadihii uu sameeyey gabyaagii lagu magacaabi jiray William Shakespeare U dhashay dalka Britain kaas oo noolaa dabayaaqdii Qarnigii 16aad hal-abuurnimadiisa iyo suugaantiisu si weyn ugu faaftay caalamka isla markaana taariikh kaga tagay.

Munaasibad maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa oo uu goob-joog ka ahaa Safiirka dawladda Britain u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay Riwaayado iyo Suugaanta uu sameeyey oo baal-dahab ah ka galay taariikhda dalka Ingiriiska iyo guud ahaan dunida.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN, HALKAN KA DAAWO