Somaliland Oo Lagu Marti-qaaday Shirweynaha Toddobaadka Shidaalka Afrika oo Ka furmay South Africa

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa lagu marti-qaaday shirka Toddobaadka Shidaalka Afrika oo ka socda Magaalada Cape Town ee dalka South Africa.

Wasiirka Wasaaradda Tarmarta iyo Macdanta Somaliland Md Cabdillaahi Faarah ayaa ka qayb galay shirka isagoo ka mid ah 32 wasiiradda Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka ee dalalka Afrika iyo shirkadaha Shidaalka ee caalamka.

Toddobaadka Shidaalka Afrika waxa uu isu keenay dawlado, shirkadaha shidaalka ee dalalka Afrika iyo kuwa caalamiga ah, maal-gashadayaal caalami ah iyo adeeg bixiyayaasha shidaal qodista ee dunnida.

Advertisement

Waxa uu Toddobaadka Shidaalka Afrika dabada ka riixaya gaadhitaanka heshiisyo iyo macaamil ganacsi oo ka dhex socda Afrika oo ay ku lamaan yihiin fursado maal galineed iyo gaadhis heshiisyo waxtar weyn u leh Afrika iyo qaabaynteeda mustaqbalka.

Advertisement