Somaliland oo laga Xusay maalinta Cuntada Adduunka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha kalluumaysiga, Beeraha, Deegaanka, Ciyaaraha, Qorshaynta iyo Wakiilka  Hay’adda FAO ee Somaliland, ayaa maanta  Ka qayb galay Xaflad lagu xusayey Maalinta Cuntada adduunka , xafladaasi oo lagu qabtay Huteel maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Mud, Sacad Cali Shire oo  ugu horayn  xaflada ka hadlay ayaa waxa uu   inaynu nahay dal cuntada uu isticimaalo dibada laga soo waarido isla markaana aan qiimayn wax soo saarkooda wadaniga ah  isagoo intaas ku daray in dhulkeena uu  ku yar yahay.

Wasiirka Beeraha Somaliland   Mud, Farax cilmi Geedoole, wuxuu Mahadnaq u diray Hay’adaha caalamiga ah iyo wadaniga ah qaarkood oo uu tilmaamay inay gacan wanaagsan ka gaystaan horumarinta beeraha.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyey in wasaarad ahan ay dedaal ugu jiraan sidii loo horu marin  lahaa beeraha dalka, inkasta oo ay wasaarada ka maqan yihiin sida uu sheegay kaabayaal badan.

Wasiirka Wasaarada Beeruhu wuxuu u soo jeediyay hay’adaha kala duwan ee wada shaqayntu ka dhaxayso in ay xooga saaraan dhinaca cilmi baadhista  beeraha iyo kobcinta aqoonta dadka  beeralayda sidii ay howshooda tacabka beeraa ugu fududaan lahayd.

Wasiirka Kalluumaysiga  iyo khayraadka badda  Mud, C/llahi  Jaamac Cismaan Geell-jire, oo isna  halkaa ka hadlay ayaa waxa uu  sheegay,in adduunka maanta ay kala bateen  wax-soo-saarkii cunatada ,dadyowga ku nool iyo halkii wax laga soo saari lahaa.isagoo tilmaamay in S/land baddeedu ay u dhigabto badka Jamhuuriyada Somaliland badhkii,iyo sida ay daruuriga u tahay in looga faa’iidaysto Khayraadka kala duwan ee ceegaagan badeena .

Mudane Geel Jire waxaa uu u soo jeediyay bulshada somaliland sidii ay ugu jeedsan lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka iyo wax soo saarka bada,si looga baxo ayuu yidhi baahida inaga haysata dhinaca dalaga beeraha .

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay wakiilka  hay’ada FAO ee S/land Maxamed Jamac Gahayr, wakiilka baanka adduyunka aduunka iyo Madaxaq hay’adda UNDP.

SomalilandPost/Hargeysa