Somaliland Oo Laga Daahfuray Barnaamij Kobcinaya Tayada Waxbarashada Dugsiyada Hoose

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Maxamed Axmed Diiriye (Toorno), ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay Barnaamij lagu tayaynaayo Waxbarashada Ubadka ku jira dugsiyada hoose ee dalka.

Barnaamijka oo loogu magac-daray MEERIS DHIGAAL (Teaching at Right Level) ama TaRL, ayaa ah nidaam Waxbarasho oo Dunida ku Cusub, waxaana ilaa hadda laga hirgleiyey dhowr Waddan oo ku yaalla Qaaradda Yurub kuwaas oo ay ka mid yihiin Zambia, Uganda, Angola, Somaliland iyo Eriteria.

Kulanka uu Wasiirku ku daah-furay barnaamijkan oo socon doona muddo Dhowr maalmood ah, ayaa lagu falanqeyn sida ugu habboon ee ubadka Somaliland loo gaadhsiin lahaa barnaamijkan oo muhiimadda ugu weyn ee uu xambaarsan yahay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalalka Afrika gaar ahaan kuwa ku yaalla Bariga iyo Koonfurta qaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo kulanka ka hadlay, ayaa in barnaamijkani uu muhiim u yahay ardayda dalka maadama oo ardaydu ay kala baahiyo duwan yihiin, waxaanu xusay inuu barnaamijkani kor u qaadi doono Aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba maamulka, Ardayda, macalimiinta iyo guud ahaanba bahda waxabarashada Dalka.

Barnaamijkan oo farsamo ahaan ay Somaliland ka taageerayso Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan sanduuqa Carruurta ee UNICEF, waxa uu si tijaabo ah uga bilaami doonaa dalka badhtamaha sannad-dugsiyeedka soo socda ee 2023/2024.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net