Somaliland oo Kaalin Dhex-dhexaad ah ka gashay Qiimayn lagu sameeyey 195 waddan

Waddamada Ethiopia, Somalia iyo Djibouti oo Safka Hore kaga jira Derejada ugu hooseysa

Hargeysa (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka mid noqotay waddamada meel-dhexaadka kaga jira hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo xoriyatul-qawlka, sida lagu shaaciyey Warbixin sannadeed uu soo saaro Urur Caalami ah oo Qiimeyn ku sameeya heerka Dimuqraadiyadda iyo xorritul-qawlka waddamada Caalamka.

Ururka oo lagu magacaabo FREEDOM HOUSE, ayaa Qiimaynta uu ku shaaciyey Warbixinta oo ka shidaal-qaadanaysa halbeeg saddex darajo lagu kala saaray waddamada Adduunka, waxa uu u kala saaray waddamo xor ah, waddamo qayb ahaan xor ah iyo Waddamo aan xor ahayn, iyadoo laga shidaal-qaadanayo halbeegyo ay ka mid yihiin xoriyatul-qawlka, musuq-maasuqa, doorashooyinka iwm.

Ururka oo qiimeynta uu sameeyey ku salaynaya sida ay dalalku ugu dhaqmaan Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda bani’aadamka ee la hirgeliyey sannadii 1948-kii, waxa diiradda la saaray xuquuqadaha siyaasadda iyo xorriyadda uu qofku bulshada dhexdeeda ku leeyahay.

Sida warbixinta lagu xusay, waxa hoos ballaadhan laga dareemay heerka Xoriyadda Caalamka, taas oo waxyaabaha ugu horreeya ee ugu wacan uu ka mid yahay hoos u dhaca dhaqaale ee dalalka caalamka qaarkood ka jira, waxaana sababtan tusaale loogu soo qaatay waddanka Shiinaha oo Liiskan xagga hore kaga jira laguna tiriyo dalalka aan ku dhaqmin dimuqraadiyadda.

Sida sawirka ka muuqata, Jamhuriyadda Somaliland, ayaa ka mid ah Dhowr iyo labaatan waddan oo lagu tiriyo inay qayb ahaan ku dhaqmaan nidaamka Dimuqraadiyadda ee ay ku dhisan tahay hab-nololeedka dhaqan-dhaqaale ee dalalka Reer Galbeedka.

Saddexda Waddan ee ay Somaliland xuduudka la wadaagto, Ethiopia, Somaliya iyo Jabuuti, ayaa safka hore ka galay dalalka aan madax-bannaanayn, halka sidoo kale dalka Yemen oo Somaliland dhinaca badda xuduud kala leh uu liiskan ku jiro.

warbixin

Sida Sawirka ka muuqata, midabka Casaanka ah ayaa u taagan dalalka aanay xorriyaddu ka jiran, Midabka Huruudda (Jaalaha) ah ayaa tilmaamaya waddamada ay xoriyaddu qayb ahaan ka jirto halka Midabka Cagaarka ah uu muujinayo waddamada hirgeliyey ku-dhaqanka Dimuqraadiyadda iyo Xorriyadda hadalka.

SOMALILANDPOST.NET