Somaliland oo Ka Qayb-gashay Shirweyne Caalami ah oo Kulmiyey Madaxda iyo Ganacsatada Dunida

Hargeysa oo noqotay Magaalada Kaliya Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee Nasiibka u heshay ka-qayb-galka Shir muhiim u ah Casriyeynta magaalooyinka

Taipei (SLpost)- Magaalada Taipei ee Caasimadda Waddanka Taiwan, waxa Salaasadii shalay ka furmay Shirweynaha caalamiga ah ee Smart Cities Summit and Expo oo sannad walba ay isugu yimaaddaan masuuliyiinta dowladaha Hoose ee caasimadaha dunida, Khubaro iyo wakiillada shirkado caalami ah.

Shirweynaha Sannadkan oo noqonaya markii 11aad ee lagu qabto dalka Taiwan, waxa ka soo qayb-galay in ka badan 2,200 qof oo isugu jira 495 masuul oo ka socda 46 waddan oo Somaliland ku jirto iyo 1,650 qof oo isugu jira khubaro iyo ganacsato, waxaana si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyey maamulka Magaalada Kaohsiung, isbahaysiga Taiwan Smart City Solutions (TSSA) iyo Taipei Computer Association.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Taiwan Cheng Wen-tsan oo hadal ka jeediyey munaasibadda furitaanka shirka maalintii Salaasada ee toddobaadkan, ayaa xusay in tignoolajiyada casriga ahi laf-dhabar u tahay isbeddel xasiloon oo ku wajahan horumarka kaabayaasha magaalooyinka iyo sidii loo yarayn lahaa wasakhowga hawada ee ka yimaadda wax-soo-saarka wershadaha.

Wuxuu xusay in ujeeddada shirku ka mid tahay sidii Taiwan door muhiim ah uga geysan lahayd cagaarinta iyo casriyeynta magaalooyinka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyadda casriga ah maadaama Taiwan hoggaaminayso samaynta Semi-conductors-ka oo ah qalabka ugu muhiimsan ee ay ku shaqeeyaan mishiinnada electrooniga ah.

Caasimadda Hargeysa, ayaa noqotay Magaalada Kaliya ee Badhtamaha iyo Bariga qaaradda Afrika maamulkeeda lagu marti-qaaday, waxaana uga qayb-galay Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi, Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Horumarinta Khadar Yuusuf Cali.

Xubnaha Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo furitaanka shirka ka hadlay, ayaa soo bandhigay horumarka ay maamul ahaan ka qabteen kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalada iyo caqabado isbeddelka cimilladu sabab u tahay oo saamayn ku yeesha kaabayaasha kuwaas oo ay keenaan aafooyinka dabiiciga ah.

Xildhibaan Jamaal Cismaan oo qoraal uu kaga hadlay muhiimadda shirka ku baahiyey boggiisa Facebook, ayaa yidhi, “Shirkani wuxuu waxa uu muhiim u yahay is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha ku saabsan horumarinta magaalooyinka. Waxaanu fursad u helay inaanu ka qayb-galno shirkan oo ay goob-joog ka yihiin Shirkado caalami ah oo ku hawlan samaynta technologi Casri ah iyo xeeldheerayaal ka kala yimi daafaha dunida.”

Waxa xusid mudan inay shirweynaha Sannadkan ka soo qayb-galeen maayarka caasimadda Ukraine ee Kiev, maayarka Magaalada Houston ee caasimadda Gobolka labaad ee ugu dhaqaalaha badan Maraykanka ee Taxes iyo sidoo kale maayarrada lix magaalo oo ku yaalla dalka Jarmalka.
Shir-weynaha oo soconaya inta u dhaxaysa 19-ka ilaa 22 March, ayaa diiradda lagu saaraya iskaashiga, wadaagista hal-abuurka iyo dardargelinta hirgelinta xalalka technologiyada si loo waajaho caqabadaha ka yimaadda isbeddelka cimillada ee soo saamaynta ku yeesha magaalooyinka, sidii yarayn lahaa wasakhawga hawadda iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa cagaarinta iyo casriyeynta magaalooyinka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net