Somaliland oo ka Qayb-gashay Shirweynaha Ururka Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo-sooranka

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Somaliland, ayaa todobaadkan ka qayb-gashay Shir ay isugu yimaaddeen Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo-Sooranka ee Adduunka, kaas oo ku qabsoomay magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Wefti u hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Somaliland Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ka qayb-galay shirkaas.

Shirka oo sannadkiiba hal mar ku kulmaan Ururka Baarlamaannada Barwaaqo-Sooranka (Commonwealth Parliamentary Association) oo ah urur ka shaqeeya taageerada iyo kor-u-qaadista maamul-wanaagga, dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Bani’aadamka, waxa ku midaysan Dalka Boqortooyada Ingiriiska iyo Waddamadii uu Guumaysan jiray oo tiro ahaan isku noqonaya 53 waddan.

Ururka Barwaaqo-sooranka oo la aasaasay sannadkii 1911, waxa hoggaamiya oo madax ka ah Boqoradda dalka Britain, waxaana ku xigeen ah hoggaamiyeyaasha dalalka ku midaysan oo mid waliba muddo hal sanno ah qabto xilkan.

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE OO KOOBSANA WARBIXIN LAGA DIYAARIYEY

 

somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net