Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadallo Soomaaliya Ka Sheegtay Qaramada Midoobay

Dr Essa Keyd, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cambaaraysay hadallo ka soo yeedhay Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan warbixin ka yeediyey Shirweynaha Qarammada midoobay, taas oo ay kaga hadleen Doorashooyinka madaxtooyada iyo Axsaabta Siyaasadda ee bisha dambe ka dhici doonta dalka.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa lagu dedafeeyey hadallada ka soo yeedhay Soomaaliya oo sheegatay Horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanay xukuumaddu ku sifeysay hadallo meel-ka-dhac ku ah xuquuqaha dimuqraadiyadeed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxa ay beesha Caalamka xusuusisay inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo ka bad-qaba fashilka dowladnimo iyo siyaasadeed ee ka jira dal-weynihii Laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xukuumaddu waxa ay xustay in maamulka Muqdisho aanu gacanta ku haynin waddankooda, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah ay ka taliyaan kooxaha xag-jirka ahi.

Advertisement

“Somaliland waa dal  dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo-ka- tashigooda,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda oo intaa ku dartay in shacbiga Somaliland ay soo dooran doonaan madaxweynahooda iyo xisbiyadooda siyaasadda 13ka November 2024-ka.

Follow us On