Somaliland Oo Ka Hadashay Fashilka Wada-hadalladii Turkiga iyo Hirgelinta MoU-ga Ethiopia

“Ummadda Somaliland Waxaan ugu Bushaaraynayaa in aanay ka Wer-werin Hirgelinta MoU-ga”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ummadda reer Somaliland ugu bushaareeyay in aanay ka wer-werin wada-hadallada ay dabada ka riixayso dawladda Turkigu ee lagu dhex-dhexaadinayo dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in heshiiska is-fahan (MoU) ee ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya uu marayo meel gabo-gabo ah, isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan loo hirgelin doono heshiiska rasmiga ah.

“Ummadda reer Somaliland waxaan u sheegayaa in heshiiskaasi uu dhammaad ku dhaw yahay, sidoo kalena lagu fulin doono sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana guul mooyaane aan wax kale laga filaynin. Ummadda Somalilandna waxaan ugu bushaaraynayaa in aanay ka werwerin hirgelinta heshiiska MoU-ga iyo wada-hadallada Turkigu Waddo,” sidaas ayuu yidhi Dr Ciise Keyd oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC

Advertisement

“Heshiiskii ay Itoobiya nala gashay sidiisii ayuu u socdaa, mana jirto wax astaan ah oo muujinaya ka noqosho. Ummadda reer Somaliland masiirkoodu waxa weeye in ay ka taliyaan aayahooda, dhulkooda, baddooda iyo nabad-gelyadooda, waxaa muhiim ah in ay ummaddu ogaato in wada-hadallada ay Soomaaliya iyo Itoobiya wada yeelanayaan aanay khusayn heshiiskii is-fahan ee ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi Dr Ciise Keyd.

Wasiir Ciise Keyd waxa uu tilmaamay in dawladda Turkigu aanay dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha khilaafka mandaqada, waxaanu yidhi, “Markaad eegto farriimaha uu Turkigu ku soo qoray warsaxaafadeedkii uu todobaadkii hore soo saaray, waxaa ka muuqda isaga oo leh badda Soomaaliya, markaa waxaanu u sheegaynaa baddaa Soomaaliya ee uu sheegayaa aanay ahayn badda Somaliland, in aanu dhex-dhexaad ka ahayna waa caddaan. Turkigu waxa uu ku guulaystay in uu bilaash ku helo khayraadka iyo macdanta Soomaaliya, markaa waa caddaan in aanu marnaba dhex dhexaad noqon karin. Markaa waxaanu leenahay Turkigu yaanu marnaba maskaxdiisa gelin in badda Somaliland uu ka dhigi karo bad ay Soomaaliya bixin karto.”

“Qorshaha Heshiiska MoU-da ee Somaliland iyo Itoobiya sidiisii hore ee loogu talogalay ayuu u socdaa, meel wanaagsanna wuu marayaa, shirarkan Ankara lagu yeelanayaana maaha kuwo wax yeelaya horusocodka heshiiskan oo maalin dhow isu beddeli doona heshiis rasmi ah,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ciise Keyd.

“Waxaan u sheegayaa dawladda Turkiga iyo ciddii ay maskaxdiisa ku jirto in Soomaaliya bixin karto bad ay Somaliland leedahay uu yahay Qof aad uga fog xaqiiqada dhabta ah, xaqiiqdiina wada-hadallada Turkigu dabada ka riixayaa nama khuseeyaan, sababtoo ah waxaa wada-hadalku ka dhexeeyaa Itoobiya iyo Soomaaliya oo aad arkayso in uu markii labaad fashil ku soo dhamaaday,” Sidaas ayuu yidhi Dr Ciise Keyd Maxamuud.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Follow us On