Somaliland Oo Ka Hadashay Doorashada Raysal-wasaaraha Cusub Ee Maleesiya

vice president Saylici speaking at the launching ceremony of the foundation

Hargeysa (SLPOST)  – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay doorasho Toddobaadkii hore ka dhacday Dalka Maleeshiya.
<span;>Dawladda Somaliland, ayaa Dhambaal Hambayo ah u dirtay Raysal-wasaaraha cusub ee loo doortay dalka Maleesiya, ka dib doorasho dalkaa ka dhacday.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo qoraal ku baahiyey boggiisa Twitter-ka, ayaa hambalyeeyay Raysal-wasaaraha cusub ee Maleeshiya Anwar Ibraahim.

Qoraalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa u qornaa sidan “Hambalyo walaal Anwaribrahim magacaabista laguu magacaabay Raysal-wasaaraha cusub ee Malaysia.”

Mudane Saylici waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waxa ay rejaynaysaa in ay iskaashi la samaysato Malaysia oo aad hormuudka ka tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Qofka samra uu Ilaahay la jiro “Eebbe wuxuu yidhi Samirna, Eebbe wuxuu la jiraa kuwa samra…”

Raysal-wasaaraha cusub ee Maleesiya, ayaa muddo 30 sanadood ku dhow halgan ugu jiray Inuu noqdo Raysal-wasaaraha dalka Maleeshiya, taasi oo uu aakhirkii ku guulaystay.

 

Somalilandpost.net/Hargeisa OfficeÂ