Somaliland Oo Ka Digtay Cawaaqib-xumo Ka Dhalan-karta Faro-gelin Soomaaliya ku hayso Laascaanood

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay xaaladda magaaladda Laascaanood, iyada oo tacsi u dirtay dadkii ku geeriyooday Magaaladaasi, Waxaa kale oo ay digniin u dirtay cid kasta oo faro gelin ku haysa amniga gudaha ee Somaliland.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha Dibadda waxa lagu sheegay in Tobankii sano ee u dambeeyay ay magaalada Laascaanood ka socdeen dilal qorshaysan oo lala beegsaday mas’uuliyiin ka soo jeeda gobolka oo isugu jiray xubno sarsare oo ka tirsan Garsoorka gobolka, xubno ka socday hay’adaha amniga qaranka iyo maamulka gobolka.

Waxa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in dedaallo ay si wada-jir ah u sameeyeen ciidamada ammaanka Somaliland iyo hay’adaha sirdoonka ee Somaliland ay xaqiijiyeen in dilalkaas qorshaysan ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Advertisement

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay in Dilkii u danbeeyay ee 28-kii bishii December 2022 ka dhacay Magaaladda Laascaanood lala beegsaday Murashax u tartamay doorashadii Golaha Wakiillada oo lagu magacaabo Alle ha u naxariistee Marxuun Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi, dilkaasina uu sababay inay Magaaladaas ka dhaceen mudaaharaad sababay dhimasho, dhaawac, iyo burbur hantiyeed.

Warku waxa uu intaas ku daray in Qaar ka mid ah dambiilayaashii dilalka ka geystay gobolkaas hore loo xukumay, halka dhinaca kale ay socdaan baadhitaanno lagu wado qaar kale oo ay sugayaan maxkamad.

“Xukuumadda Somaliland waxay si adag uga soo horjeeddaa sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Puntland oo wada faafinta warar khaldan oo ay xaaladda ku sii hurinayaan,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo intaas ku daray in hadallada been-abuurka ahi ay khatar ku yihiin ammaanka iyo xasiloonida gobolka guud ahaantii, isla markaana aanay Somaliland u dulqaadan doonin wax kasta oo khatar ku ah qaranimadeeda iyo wada-jirkeeda dhuleed.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaaddo jawaabta xukuumadda Somaliland ka bixisay qaabka Soomaaliya uga fa-celisay Xiisadda ka taagan Laascaanood, haddana waxa muuqata in arrintani salka ku hayso qorshe abaabulan oo ka dhan ah Isku soo dhawaanshiyaha dowladda Maraykanka iyo Somaliland, kaddib markii Somaliland lagu daray Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka, kaas oo suurto-galinaya in Milatariga Maraykanku Saldhig Milatari ku yeesho magaalada Berbera.

Somalilandpostnet

contact@somalilandpostnet

Advertisement