Somaliland Oo Ka Dareen-celisay Guul-darradii Somalia Kala Kulantay Shirkii Itoobiya Ku Dhexmaray Turkey

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka dareen-celisay natiijada uu ku soo dhammaaday shir lagu kala kacay oo shalay magaalada Ankara ugu qabsoomay Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Somalia iyo Ethiopia.

Shirka oo Ahaa marti-qaad dowladda Turkigu u fidisay waddan, ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kaddob markii laysku af-garan waayey ubucda khilaafkooda oo salka ku haya heshiis isfaham oo bilowgii sannadkan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia.

Somalia ayaa la sheegay inay ku doodday in Ethiopia ka laabato isfahamka Somaliland, balse itoobiya ayaa ku gacan-saydhay dalabkaas, taas ayaana sababtay in kulanku natiijo la’aan ku dhammaado, waxaana loo ballamay shir labaad oo laysugu iman doono bisha Sagaalaad ee sannadkan.

Haddaba, waxa natiijo la’aanta shirkani ku soo dhammaaday iyo weji-gabaxa ay Soomaaliya kala kulantay ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee Qiimeynta iyo Dib-u-eegista Heshiiska Is-faham Danjire Baashe Cawil xaaji Xuseen iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani).

Danjire Baashe Cawil ayaa u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo waraysi dhinacyo kala duwan la yeelatay, halka danjire Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) uu arrintan kaga hadlay xog-waraysi ay la yeelatay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.