Somaliland oo Jawaab Cad Ka Bixisay Damaca Ethiopia ee Dekedda Saylac

Boorama (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay caddeysay mowqifkeeda ku aaddan hadal dhawaan ka soo yeedhay ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Oo ku dooday inay lagama maarmaan tahay in dalkiisu deked uu leeyahay ka helo waddamada badda leh ku yaalla Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia oo khudbad u jeediyey baarlamaanka dalkaas horaantii bishan, waxa uu sheegay inaanu dalkiisu ku sii jiri doonin Deked la’aan isla markaana ay daruuri tahay inay deked ay iskood u leeyihiin ka helaan xeebaha dalalka la deriska ah hadday ku helayaan awood milatari ama heshiis is-afgarad. Ra’iisal-wasaaruhu wuxuu soo hadal-qaaday dekedo ku yaalla dalalka Eritrea, Djibouti, Somaliland iyo Somalia oo ku jirto dekedda galbeedka Somaliland ku taalla ee Saylac.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagoo magaalada Boorama ku sugan warbaahintu wax ka weydiisay arrintan maanta, waxa uu sheegay in badheedhaha hadalka Raysal-wasaaraha Ethiopia yahay mid baal-marsan shuruucda caalamiga ah maadama oo Ethiopia doonayso deked ay iskeed u leedahay oo waddan kale ku taalla.

Hadalka Wasiirka kaga bogo muuqaalka Hoose