Somaliland Oo Itoobiya u Mustaafurisay Tahriibeyaal Sharci Darro Dalka ku soo Galay

 

 

Hargaysa(SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta  dalka Itoobiya u mustaafurisay 400 oo  qof  oo ah tahriibayaala oo  sifo sharci darro ah dalka ku soo galay, kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeeda qoomiyadaha dalka Itoobiya.

 

Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi, Taliye ku xigeenka laanta scodaalka ee Gabiley Axmed Caqli Nuur iyo Taliyaha saldhiga degmada Wajaale saddex xidigle Kayse Suudi ayaa tahriibayaashan ku wareejiyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya, waxaana dadkaasi lagula kala wareegay magaaladda xadka ku taalla ee Wajaalle.

 

Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi oo ka hadlay tahriibayaashan ay u gudbiyeen dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo si sharci darro ah ku soo gasha dalka Somaliland waxaanu  yidhi “Haddii aanu nahay maamulkii degmada Wajaale, Ciidamada Booliska qaranka iyo ciidamada sirdoonka, dhammaan waxaanu heegan u nahay afar iyo labaatanka saaacadoodba in aanu gacan bir ah ku qaban doono cid kasta oo isku dayda inay  dalka sharci darro ku soo galaan.”

 

Taliyaha saldhiga degmada Wajaale saddex xidigle Kayse Suudi ayaa isaguna ka hadlay tahriibayaashan, waxaanu sheegay in tiradoodu dhan tahay 400 qof, waxaana uu yidhi “Halkan waxa aanu ku haynaa 400 qof oo ah tahriibayaashii dalka soo galay oo ciyaal iyo odayaal ku jiraan oo qaarkood aanay qaan gaadhin.”

 

Taliye ku xigeenka laanta scodaalka ee Gobolka Gabiley Axmed Caqli Nuur ayaa isaguna tilmaamay in Itoobiyaankan ay mustaafuriyeen ay ka kooban yihiin qoomiyadaha degan dalka Itoobiya waxaana uu yidhi “Itoobiyaanku waxa ay iskugu jiraan dad maafiya ah, odayaal inta qoomiyadeed ee Itoobiyanna way ka kooban yihiin. Sidaa darteed waxaan leenahay nimanka Itoobiyaanka qaada haddii ay ka waantoobi waayaan tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadi doonaa.”