Somaliland oo iftiimisay Ujeeddada ay ka lahayd Bayaan ay ka soo saartay Xaaladda Siyaasadeed ee Somalia

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Cismaan
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Cismaan

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland, ahna ku simaha wasiirka Liibaan Yusuf Cismaan, ayaa sheegay in adduunkii xoog iyo maal ba isugu geeyeen dowladda Soomaaliya ee hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, balse ay khasaare iyo guul-darro ka taagan yihiin dedaalkooda.

Wasiir Liibaan waxa uu faahfaahinn ka bixiyey baaq ay dhawaan xukuumadda Somaliland ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, kaas oo beesha caalamka loogu caddeeyey mowqifka dowladda Somaliland ee ku aaddan xaaladda dalkaas iyo fashilka siyaasadeed ee ku gedaaman xukuumadda Muqdihso.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Cismaan
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Cismaan

Wasiirka oo isbarbardhigayey farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo uu tusaale ugu soo qaatay is-marin waaga mucaadka iyo dowladda Soomaaliya ee dhinaca doorashooyinka, halka uu sheegay in Somaliland ay qabsatay doorashooyin kala duwan oo qof iyo cod ah loona baahan yahay in caalamku ka garaabo farqiga labada waddan.

Advertisement

“Waxay 2 dii sano ee u danbeeyay ku muransanyihiin doorashooyin dadban, oo boqolal qof ay dooranayan madaxweynaha, Somaliland na doorashooyin fara badan baa ka dhacay,” ayuu yidhi wasiirka oo xafiiska ugu warramay warbaahinta dalka qaarkeed. Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Imikana doorashooyin isku sidkan oo xilligoodii laga soo hor mariyay, ayaa ka dhacaya Somaliland.”

Ku simaha wasiirka arrimaha dibada ayaa sheegay in adduunkii lacag iyo xoog ba iskugu geeyeen Soomaaliya laakin anay waxba is badalin ayuu yidhi.“Adduunkii oo dhami xoogiisi iyo lacagtiisii ba wuxuu galiyay Muqdisho, oo ilaa hada aan wax horumar ah laga gaadhin, haday noqoto dowlad dhis, nabad galyo iyo doorashooyin ba”

Waxa kale oo uu sheegay in baaqii ay dhawaan wasaaradda arrimaha dibadu ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya looga danlaha in caalamka la tuso Sida ay ugu hungoobeen taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Soomaaliya iyo Guulaha la taaban karo ee ay Somaliland qabsatay oo ay tahay inay la shaqeeyaan.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Waraysiga Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet 

Follow us On