Somaliland oo hay’adda ICRC ku wareejisay 14 Maxbuus oo u dhashay Maamul-goboleedka Puntland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa  ka dhoofisay 14 maxbuus oo ciidamada Qaranku ku soo qabteen dagaallo dhexmaray Maamul-goboleedka Puntland, waxaaana maxaabiista lagu wareejiyey hay’adda ICRC.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada, ayaa si maamuus leh u sii sagootiyey maxaabiista oo tiradoodu ahayd 14 Maxbuus oo oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegi doonaan deegaankoodii Garooowe, waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi,  Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul kooda Puntland.

Ugu dambayn waxa Maxaabiista  la wareegay hay’adda  ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey.