Somaliland oo Go’aamo Ka soo saartay Dhismeyaasha Dalka laga hirgeliyo iyo Shirkadaha Ka Ganacsada

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland, ayaa wareegto ay soo saartay ku joojisay in dalka laga dhiso dhisme aanay wasaaraddu ansixin naqshaddiisa.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Jamaal Cabdi Muuse, waxa lagu sheegay in wixii taariikhda waraaqdu soo baxday ka bilaabma aanay jiri doonin Cid aan Liisan dhisme haysan oo shaqada Dhismaha ku shaqaysa, waxaana loogu baaqay Shirkadaha dhismaha iyo Cid kasta oo xirfadda dhismaha ku shaqaysata inay iska diiwaangeliyaan oo liisanka Shaqada ka doontaan Wasaaradda.

Advertisement

“Cid kasta oo wax dhista oo aan ka diiwaangashayn Wasaaradda Hawlaha Guud waa inay is-diwaangeliyaan sida ugu dhakhsaha badan, wixii hadda ka dambeeya wasaaradda hawlaha guud ma ogolaan doonto inay wax ka dhisto Cidda aan haysan Liisan wax dhisid dhammaan Gobollada dalka,” waxa sidaas lagu sheegay wareegtada uu soo saaray Agaasimaha guud.

Shirkadaha Dhismaha ayaa lagu war-geliyey inay Naqshadda Dhismaha ay fulinayaan u gudbiyaan Wasaaradda si loo ansixiyo.

“Shirkadaha dhismaha waxa la farayaa inay keenaan Naqshadda Guri kasta oo ay u samaynayaan, hadduu yahay Dawlad iyo Shicibba, Guri kasta oo la dhisayo waxa Naqshaddiisa laga soo ansixinayaa Xafiiska dhismaha ee Wasaaradda hawlaha guud,” Sidaas ayaa lagu yidhi Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Hawlaha Guud.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement