“Maamulka Fashilmay ee Soomaaliya Waxaanu Uga Digaynaa Inuu Ku Mashquulo faro-gelinta Somaliland”

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya, waxana ay jawaab ka bixisay haddallo ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo lagu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay xaq u leedahay inay cilaaqaad iyo heshiisyo la gasho dalalka caalamka.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda waxa lagu bayaamiyay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland mar kale xaqiijinayso ahmiyadda uu leeyahay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ku astaysan masaalix wadaag iyo iskaashi ka dhexeeya labada dal ee jaarka iyo walaalaha ah.

Waxa kale oo Xukuumaddu sheegtay in tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991kii ay Somaliland ku tallaabsatay dhismaha dalkeeda oo ay u hirgashay xasilooni, dimuqraadiyad iyo is xukunkeeda gaarka ah. Waxa kaloo Jamhuuriyadda Somaliland ay ahayd mid ay ka go’an tahay  xoojinta iskaashi adag oo ay la yeelatay dalalka la jaarka ah oo ay ka mid tahay dawladda Itoobiya oo ah xulafo istaraatiji ah oo cilaaqaadka Somaliland ka dhexeeyaa uu ku wajahan yahay iskaashi laba dhinac ah.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxa ay nasiib darro ku tilmaantay in maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh Maxamuud oo aan si buuxda uga wada talin caasimada dalkiisa, uu wado iskuday la xidhiidha inuu qas ka rido Somaliland, isagoo taageeraya kooxo jabhado ah oo wararku sheegayaan in hubkii uu siiyay u gacan galay Alshabaab iyo maleeshiyo beeleedyo nabadgelyo darro ka abuuraya mandaqada.

War-murtiyeedka Wasaaradda Khaarajiga waxa lagu xusay in si ka duwan Soomaaliya loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay dadkiisu ku soo cugteen doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasi oo ka turjumaysa sida Somaliland ugu heellan tahay inay dabaqdo mabaa’dida dimuqraadiyadda, sidaas darteed; dawladda Muqdisho waxa soo xula ashkhaas kooban waxaanay ku guul-daraysteen nidaamka dimuqraadiyadda.

“Somaliland waxay caddaynaysaa inay xaq u leedahay madax-bannaanideeda iyo inay xidhiidh iyo heshiisyo la gasho dalalka kale, waxaana ay ku taalla bogcad istaraatiji ah, waana halbowleyaasha badda cas,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

Xukuumadda Somaliland waxa xustay in Xukuumadda fashilantay ee Soomaaliya oo aan lahayn sumcad aanay kaalin ku yeellan karin isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, loogana baahan yahay inay xasiliyaan oo ay ku foognaadaan  arrimahooda inta ay farogelinayaan arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa 1dii Bishii January 2024  kala saxeexday heshiis taariikhi ah oo ku wajahan in Somaliland 20km oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya oo ka hirgelinayso saldhig millatari oo badda ah, iyadoo taas beddelkeeda Itoobiya noqon doonto  dalka koowaad ee aqoonsada madax-bannaanida JSL.