Somaliland Oo Dacwad Sharci u Gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ

Somaliland ICJ

Paris (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda horgaynaysa dacwad sharci ah oo la xidhiidha Qadiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo Socdaal shaqo ku jooga dalka Faransiiska, ayaa hoos ka xarriiqay in tallaabadani kaalin muhiim ah ka qaadanayso ka dedaallada baadi-doonka aqoonsiga Somaliland iyo ka midho-dhalinta halganka loogu jiro sidii qaranka Somaliland Caalamka uga heli lahaa ‘madax-bannaanida uu xaqa u leeyahay’.

Wasiir Ciise Kayd waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland hawshan u xil-saartay sharci-yaqaanno caalami ah oo difaaci doona xuquuqaha sharciga ah masraxa Caalamka si ay Somaliland uga hesho maqaamka ay ku leedahay beesha caalamka.

Wasiirku waxa uu sheegay in sharci-yaqaannada Caalamiga ah ee loo xil-saaray arrintan Somaliland ay dhammeystireen qabyo qoraalka dacwadda isla markaana ay dhawaan u gudbinayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ (International Court of Justice) oo fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee dalka Holland (Netherlands)

Heshiiska Is-afgarad ee ay wada saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya, ayaa qayb laxaad leh ka qaadanaya isla markaana kaabi doona tallaabada sharci ee Somaliland iyadoo la eegayo himilada iyo hiigsiga siyaasadeed ee qarankani leeyahay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net